Wefti Ka Socda Midawga Afrika Oo Gaadhay Magaalada Muqdisho Iyo Ujeedada Ay U Socdaan


(Hadhwanaagnews) Wednesday, February 14, 2018 17:36:09
Wefti Ka Socda Midawga Afrika Oo Gaadhay Magaalada Muqdisho Iyo Ujeedada Ay U Socdaan

Muqdisho(HWN):-Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaaliya waxa soo gaadhay wefti balaadhan oo ka socda ururka midawga Afrika.

Ujeedada weftigan ayaa lagu sheegay inuu yahay u kuur galida xaalada amaanka ee dalka soomaaliya iyo ilaa heerka ay  gaadhsiisan tahay iyo sidoo kale hawl galada ay sameeyaan ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom iyo  ciidanka soomaaliya.

Weftigan ka socda midawga Afrika oo ka kooban xubno gaadhay toban qof ayaa magaalada Muqdisho joogi doona mudo ku siman afar cisho, kuwaas oo kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda soomaaliya , xafiiska taageerada ee UNSOS  iyo sidoo kale wakiilada ka socda wadamada ay ciidamadu ka joogaan soomaaliya.

Wada




hadalka dhex maraya weftiga midawga Afrika iyo dhinacyada kala duwan ee ay la kulmayaan ayaa la sheegayaa inuu ku saabsanaan doono natiijooyinka ilaa hada laga gaadhay hawl galada lagu sugayo amaanka soomaaliya, dhibaatooyinka ka hor yimid ee ka jira soomaaliya iyo sidii loo qorshayn lahaa in ciidamada soomaaliya ay la wareegaan amaanka Muqdisho.

 

 

Hadhwanaagnews.com/Muqdisho

Soomaaliya




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.