Duudsiga Xaquuqda Muwaadinka, Dalka Cidna Uma Maqna Ceelna Uma Qodna.


(Hadhwanaagnews) Wednesday, February 14, 2018 16:44:35
Aan ku soo noqdo qormada, ilaah mahadii waxaa shacbiga Somaliland 31 May 2001 ogolaadeen inay in dastuurka maanta inoo ah marjaca

Somaliland in midnimadeeda iyo wadajir keedaba la ilaaliyo waa qodob dastuurii ah. Dalkani cidna kama baryayo madaxbaanidiisa. Aan dib u milicsano shirkii beelaha Somaliland ee Magaalada Burco 27dii April ilaa 5tii May 1991 kii ee lagaga dhawaaqay Madaxbaanida iyo gooni isu taaga Somaliland.

Aan dib u eegno Shirweynihii Guurtida Beelaha Somaliland ee Boorame ee 24kii January ilaa 25kii May 1993kii ee lagu ansixiyey axdi qarameedka. Axdi qarameedkaasi waxaa uu salka u dhigan nidaam dowladnimo oo buuxa .

Waxaa uu sharciyeeyey sadex golle qaran oo kala ah sidan:

1.      Golaha Guurtida

2.      Golaha wakiilada.

3.      Iyo Golaha Xukuumada.

Sidoo kale waxaa laysla qaatay astaanta qaran ama  dowlad ,




iyo calankii.

Aan ku soo noqdo qormada, ilaah mahadii waxaa shacbiga Somaliland 31 May 2001 ogolaadeen inay in dastuurka maanta inoo ah marjaca yahay dastuurkii qaranka.

Maaliniba maalin ka xasuus dheere 27kii July 2010, waxaa loo dhaariyey Xilka Madaxweyne muddo 5 sanno ah Axmed Maxamed MAxamuud Siilaanyo.

Mudadii madaxweyne Siilaanyo xilka hayey dalka waxaa uu ka taliyey laba (2) sanno oo keliya intii kale oo ahayd shan ( 5) sano iyo dhowr bilood waxaa dalkan maamulayey habro iyo qowlaysto qabiileysan.

Waxay nabadeen waxay na bareen ayaa ka daran!

Sharciyan hadii sharci lagu dhaqmayo. Hadii madaxweynehu xilkiisa gudan waayo dastuurku wax buu ka qabaa. Qodobka 86aad Waxay jagada Madaxweynaha ama ku-xigeenka Madaxweynuhu iyo Ku-xigeenka Madaxweynuhu bannaanaan kartaa haddii ay dhacdo xaalad ka mid ah xaaladaha hoos ku sheegan .

Faqrada 2aad ,hadii  madaxweynehu Hawsha oo uu caafimaad darro darteed u gudan kari waayo.

Xanuunka ilaahay ayaa keena, waxaa meel lagaga dhacay in nin maskaxiyan aan caafimaad qabin loo muusleeyo umadda iyo dalka. Arintaasi waxay aheyd khiyaamo qaran oo ay galeen kooxdii fadhiday kijadda maama Aamina weris.

Datuurka Somaliland Qodobka 211aad ilaa 25aad waxaa uu damaanad qaadayaa xuquuqda qofka, xoriyada aasaasiga ah iyo wajibaadka saaran muwaadinka. Waxaa weli lays weydiinayaa Somaliland tii aan u soodhimanay ee aan doonaynay ma taan?

Waxaa dhamaan hawada ka baxay mid ka mid ah rukumadii dowladnimo ee Garsoorka. Dalkiiba waxaa looga dhaqmayaa nidaam ka gedisan ee aan isla qaadanay.

Xukuumadahan jiraa iyo kuwii horeba waxay laaleen dastuurkii dadkani u codeeyee.

Suxufigu waa ildheer yahay , hore waxaa loo yidhi ninka ugu ildheer baan dadka ugu Ayaan daran! Xirfadlaha suxufiga ah ee qormo uu ku toosinayo xukuumada marka ay dhinac  wax ka rarto waxaa uu waayaa xoriyadiisa dastuuriga ah.

Aqoonyahanka  waa maskaxda dalka iyo dadka xil baa kasaaran. Dalkastaa waxaa uu hormaraa inta aqoon yahan kiisu tiro le’eg yahay tayo fiican leeyihiin. Xil baa ka saaran  inuu umadiisa umuujiyo god daloolooyinka xukamadu si ay isu saxdo, in qalad fursan loo rogaa waa fursad fiican , in wax la saxo daayoo inta la xidho ayaa lagu soo ogaa.  waxaa uu burburinyaa dalka , nabadgelyada ayaa la khalkhal gelinayaa. Dalku ma xabad beed amase ukun ah baa waa cajaa’ibta Somaliland taala.

 

 

Kaalinta urrarada bulshada rayidka ah muruq aan la loodin karin howshoodii tilmaanta iyo dhaliilida xukuumadaiyo fikiradda wax dhisaya . Somaliland waxaa jira urro bulsho rayid ah oo badan laakiinse uma dhisna qaab wax tooosin ee waxay raacaan danahooda gaarka ah. waxay uleexiyeen inay ku milmaan axsaabta qaranka oo qaab beelysan u kala raacaan.  urrurdaas waxaa u soo jeedinayaa inay raacaan mabaadiidooda iyo shuruucaha caalamiga ah.

Hadii dalkani leeyahay urro bulsho oo xoogan oo danta dadka iyo dalka ka hadlaya wadankan shuruucdiisii iyo milgiisii laguma tunteen. waxaan leeyahay ama waa la muuqdaa lagu magacsan leeyahay ama se waa lamaqan yahay lagu muuq qarsoomaa.

Arimaha Xukuumadaha Kulmiye caadeysteen ee qaran dumiska ah waxaa kamid:

Wadahaladii Soomaliya , Lunsigii hantidii qaranka sida dekadii Berbera, gegida diyaarada Berbera, keydkii haamihii shidaalka, Biyo balaadhintii mashruucii Xunbaweyne iyo dhamaan mashaariicdii sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF).

Markasta oo laga hadlo ama aragti caafimaad qabta laga dhiibto muwaadinta reer Somaliland, waxaa loo adeegsanayey talaabooyinkii guracnaa ee laga dhaxlay Jaale, Maxamed Siyaad bare ee xidh oo cabudhi. Meeye wargeysyadii haatuf iyo hubaal, maxay geestee?

Dalkan dhinacna uma bad qabo, aan eegno dhinicii doorashooyinka. doorashadii dowlada hoose ee urruradii ku tartamayey xisbinimada. Maxamed Cabdi gaboose , markii uu yaabay ayuu quustay ‘’waxaa laga hayaa demoqoraadiyadii Somaliland waxaa lagu aasay xabaalaha malka dururro’’

Dadka aan Somaliland aheyn ee dhaliila siyaasadeena waxay yiraahdaan waa dad cuqdad iyo naxli ku midoobay, laakiinse hal arin wada ilaaliya taas oo ah  qaranimda!

Qaranimadu maaha kan xidh kan cabudhi , kan kale wax yar u dhiib oo soo dhaweyso kan kale xil u balanqaad. Maaha demoqoraadiyadu in la adeegsado qabiil iyo in xisbilagu dhiso. Waxaa la yidhi hal xaaraan ahi nirig xalaala ma dhasho, oo maxay dhashaa iyadaaba xaaraan ah.

Xisbiyada Somaliland ka dhisan , markii hore ayaa lagu bineeyey qaab qabiil , qabiilkuna dano iyo arimo gaara ayuu leeyahay dan qarana ma ilaaliyo. Tiisa ayaa  qabiilka waxkasta kala weyn.

Haya’dihii dastuuriga ahaa , waxay noqdeen ilaa 2010 kii rukumo kamid ah xisbiga Kulmiye, waxay si toosa ugu bireen xisbigaas. Waana meelaha koowaad ee dalkani ka dhimanayo.

La soco qormada xigta arbacada danbe

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.