Dad Baa Lacag Iyo Qabiil Nala Hoos Ordayee Maxaan Caddaalad Samaynaa?!


(Hadhwanaagnews) Wednesday, February 14, 2018 11:03:58
Khiyaanadaas inuu aqbalo waxaa u sii sahlaya madaxda ka sarraysa iyo kuwa la siman oo ay caado u tahay laaluushka iyo khiyaanadu



Dad badan baa jecel inay wanaagsanaadaan oo sharaf iyo ammaano yeeshaan, dadkooda iyo dalkoodana ay si daacad ah ugu shaqeeyaan laakiin waxaa ka hortaagan labo arrimood oo kala ah:
1. Dad la hoos ordaya lacag fara badan oo ninkiiba indha sarcaadinaysa, lacagtaas oo ay ka xigto inuu saxiixo warqad yar oo dhibaysa dalka iyo dadkiisa ama dad gaara lugu dulminayo.

Khiyaanadaas inuu aqbalo waxaa u sii sahlaya madaxda ka sarraysa iyo kuwa la siman oo ay caado u tahay laaluushka iyo khiyaanadu, iyo isagii oo u baahan lacag uu doorashada soo socota isku rashaxo .

2. Dad qaraabadiisa ah oo ku riixaya inuu eex sameeyo





ama wax xado ama khiyaano u bareero; si uu tolka wax u taro am uu jagadaan uga cooto maadaama aan la hubin inuu sii joogi doono, uuna u baahan lacag uu ku soo noqdo.

Gabagabadii waxaynu baadigoob ugu jirnay madax wanaagsan iyo garsoor caadil ah ee sidee wax inoo ku hagaagayaan haddii qabiil walba dadka ugu liita soo xulo, dadka wanaagsan ee siyaasadda iyo maamulka soo galana laaluuah iyo qabyaalad lugu harqiyo?. Soo xaalku noqon maayo " Jugjug meeshaada joog"?.

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.