Mid Kamid ah Siyaasiyiinta Ugu Firfircoon Ee Kasoo Jeeda Sanaag Bari Oo Xukuumadda Ku Dhaliiley In Tabashadii Hore Ee Ay Qabeen Mid Ka Darani Timid


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 13, 2018 20:39:25
Siyaasi Cabdiraxmaan Maxamuud Dhoore oo hadhwanaag kula soo xidhiidhey khadka isgaadhsiinta isagoo jooga Ceerigaabo ee Xarunta

Ceerigaabo(HWN)-Siyaasi Cabdiraxmaan Maxamuud Dhoore oo kamid ah Siyaasiyiinta ugu Firfircoon ee Aqoonyahanka Kasoo Jeeda Sanaag/Bari ayaa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku dhaliiley in ay fursad badan siiyeen in Dawllada Federaalka Soomaaliya ka faa,ideysato Sanaag/bari isagoo ku sababeeyay,in Saluugii hore ee ay ka qabeen Saamiga laga siiyey Xukuumadda Somaliland  mid  kasii fogi yimid Wakhti Xaadirkan Sidaa daraadeedna ay quus ka joogaan Rajadii ay ka qabeen Qodobkaasi.

Siyaasi Cabdiraxmaan Maxamuud Dhoore oo hadhwanaag kula soo xidhiidhey khadka isgaadhsiinta isagoo jooga Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag, waxa uu dhaliishiisa hordhac uga dhigey,in Dadka Sanaag Bari kasoo jeeda ay 27 sano sugayeen Dawlladnimo Maamul nidaam iyo Hurmar,isagoo arintaa ka hadlaya waxa uu yidhi.






style=" 583px; 425px;" />
 

“Xukuumadda Cusub ee hadda qabsatey Talada Somaliland waxaad moodaa in ay ka seexatey Sanaag/Bari oo aaney habayaraatee,dan ka laheyn Nabedgalyadu waa Sideedii,wax dhibaato ahi majiro buuqna kama jiro intaa soo korodhey ayaa jirta taa lafteedana dadkii waxey u baahan yihiin waa Hurumar, qofku markuu Hurmar doonayo (System) nidaam iyo Dawladnimo doonayo laakiin waxaa ka qurux badneyd in la sameysto Siyaasad tan ka duwan oo lagaga jawaabayo Maamul la,aanta iyo hurmar la,aanta Waayo dadka in cunaha uun la qabto ma aha oo la yidhaa yaaney cidna kuu soo galin ana kuusoo gali maayo”Ayuu yidhi Siyaasi Cabdiraxmaan Dhoore.

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa “Waxaa qurux badneyd in Siyaasad cusub lala yimaado oo Xukuumaddan cusubi Siyaasad ay ku kasbato dadkaasi la timaado,tiina waxaad moodaa in Xukuumaddan cusub iyo Siyaasadeedii dadkii Reer Sanag/Bari Saluug badan kasii muujiyeen,oo saamigii ay ka filayeen iyagoo marka hore wax tabanayey ay mid kasii yar hadda ka heleen dee kolleyna taasi Muusuunbay u taalaa, siduu uga jawaabo ayaa la arki doonaa,hadey sidan ahaato laakiin “Waa suurtagal in Sanaag/Bari loo sameeyo Maamul Goboleed Sababtoo ah dadku

27 sano ayey Somaliland ka sugayeen Maamul dhameys tiran”Ayuu yidhi.

Waxa kale oo Siyaasi Cabdiraxmaan Maxamuud Dhoore ka Hadley in ay suurtagal tahey in Dawllada Federaalku ka qorsheyneyso in Maamul Goboleed loo sameeyo dadkaa Sanaag Bari isagoo, sababta ku sheegay in ay dan weyni ugu jirto maadaama aaney habayaraatee laheyn Maamul iyo Nidaam,Waxqabad iyo Arimihii Bulshada oo dhamaantood daayacan bal in ay maruun helaan ama arkaan cid daneyneysa oo leh waxbaan idiin qabaneynaa.

Siyaasi Cabdiraxmaan Maxamuud Dhoore ayaa, kamid ah Siyaasiyiinta aqoonyahanka ah ee ugu dhiiran uguna firfircoon ee kasoo jeeda Sanaag/Bari isagoo mudadii Xukuumaddii Siilaanyo si, adag uga Hadley marar badan in Sanaag/bari aaney marnaba ka helin Xukuumadda Siilaanyo saamigii ay dal ahaan iyo dad ahaanba ku lahaayeen,dhinaca ay u badan yihiin ee Somaliland Waxaanu kamid ahaa Raggii Diiwaan-galintii Codbixinta ka hirgaliyey Degmooyin badan oo katirsan Deegaankaasi isagoo isu diyaarinayey Murashaxiinta Golaha Wakiilada o uu Sheegay, in ay tahey halka kaliya ee Dhibaatada Deegaanadaa kajirta looga gudbin karo Bulshada Somaliland.

 

Cabdiraxmaan Nuux Axmed(Cabdiraxmaan-hiiraan)

hadhwanaagnews Email:[email protected] 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.