Labadii wasiir ee ugu qorshaha iyo khudbadaha wanaagsana wasiiraddii maanta la ansixiyey…W/Q Barkhad Ladiif Maxamed Cumar


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 13, 2018 15:39:29
Labadii wasiir ee ugu qorshaha iyo khudbadaha wanaagsana wasiiraddii maanta la ansixiyey…W/Q Barkhad Ladiif Maxamed Cumar

Tobankii wasiir ee maanta la ansixiyey waxa ugu qorshe iyo soo diyaar wanaagsana labadda wasiir ee kala ah wasiirka Isgaadhsiinta iyo Technology –ga iyo wasiirka Maaliyadda, waxaanay ahaayeen labadda wasiir oo dhallinyaro ah oo xaga heerka waxbarasho ugu sareeyey wasiiradda golaha joogay, xaga shaqadda iyo waayo aragnimada ay wasaaradaha loo soo magacaabay u leeyihiin uu ahaaa field kii ay soo barteen.

Haddii aan mid mid usoo qaato oo sida ay khudbadaha ugu soo kala horeyaan usoo kala horeysiiyo wasiirka Isgaadhsiinta iyo Technology Dr: Abdiwali Soufi waxa uu aqoonta ka gaadhay darajada PHD wuxuu ku takhasusay ICT-ga oo uu Jaamacadaha ka dhigi jirey, waxa uu




soo diyaarsaday khudbad aad usoo jiidatay xidhibaanadii iyo dadkii golaha joogay, wuxuu la yimid qorshe wanaagsan oo uu doonayo inuu ku soo kordhiyo Somaliland oo ah doorkii wasaaradiisa looga baahnaa, wasiiradda kale waxa uu kaga duwana khudbadiisa waxa uu ku soo qortay waraaq, taasina waxay cadeyn u tahay inuu ka soo fikirey oo uu wakhti galiyey inuu golaha la hor yimaado wax uu ku qanciyo si loo ansixiyo, halka wasiiradda kale wixi maskaxdoodda ka soo maaxata uun ku hadlayeen, laakiin isagu wuu ka duwana waxa uu daraasad ka soo ururiyey dalalka ICT-ga ka horumaray ee dhaqaalaha ku soo xareeyey oo ay ka midka yihiin dalalka Nayjeeriya, Rwanda iyo Kenya oo uu tusaale usoo qaaday heerka ka gaadheen technology-ga, waxaanu barbar dhigay waxa aynu u baahanahay oo ay ka mid tahay in Somaliland yeelato Fure u gaar ah dalka, Boos u gaar ah dalka iyo in dalka laga horumariyo dhinaca ICT-ga oo Somaliland noqoto dal loo soo doonto technology, waxa uu sheegay in cashuur ururinta, maalgashiga iyo shaqo abuurkaba sahlayso haddii la horumariyo ICT-ga oo caalamku horumar badan ka gaadheen.

Waxa kale oo uu golaha ka hor akhriyey arrimo muhiim ah oo wasaaraddiisu bilaabi doonto, waxaanu u muuqday wasiir fahansan shaqadiisa iyo waxa laga rabo, waana siyaasi garoomada siyaasadda ku cusub waa dhalinyaro ku cusbaa golaha hortiisa oo aanay hore uga arag fagaarayaasha siyaasada, waxaana khudbadiisa oo dheereed oo cilmi ku fadhiday uu shirgudoonka ka codsaday inuu soo gaabiyo, waxa uu sheegay inuu isku xidhi doono shirkadaha isgadhsiinta, iyo in Technology noqdo ka haga dhaqaalaha, waxaa uu sheegay in maalgalinta u badan ka iman doonto technology, waxa uu balanqaaday inuu qorshaha ku darsaday inay jaamacaduhu soo saaraan aqoonyahan suuqu baahi u qabo iyo in wasaaradaha kale uu kala shaqayn doono inay ku shaqeeyaan Technology caalamku higsnayo.

Wasiirka Maaliyadda

Wasiirka labaad waa wasiirka horumarinta Maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi waa nin isna aqoonta ka haysta Master degree waliba cashuuraha iyo maaliyadda takhasus u leh, waa nin loo magacaabay wasaaradii uu aqoonteedda u lahaaa, waxa uu golaha ujeediyey khudbad aad u fiican oo uu soo qortay, waa wasiirka labaad ee golaha ka hor akhriyey qoraal oo wax badan ka fikiray inay ka iibin karto golaha si ay u ansixiyaan. Waxa madasha laga akhriyey aqoontiisa waxbarasho oo uu qaarkood ku qaatay Online waxa loo yaqaan (Distance learning ), wuxuu ahaa wasiirkii labaad ee aqoontiisa iyo waayo aragnimadisia shaqo aad u saraysay .

Waxyaalaha ku cusbaa khudbadda wasiirka waxa kamid ah “waxaanu abuuri doona illo dakhli oo cusub,waxaanu dardar galin doona qorshaha maamulka maaliyada anagoo si dhow ula shaqayn doonna dawladaha iyo hay’adaha inaga caawiya sida Ingiriiska, Maraykanka iyo Midowga Yurub iyo Bangiga aduunka”ayuu yidhi wasiir Yuusuf.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu wax ka qaban doono qiimo dhaca ku yimid shillingka Somaliland oo uu sheegay in shilingku yahay astaanka qaranimo ee uu dal leeyahay,isla markaana uu sida ugu dhakhsiyah badan wax uga qaban dooono.

Wasiirku isagoo adeegsanay aqoonta uu wasaaradan u leeyahay waxa uu sheegay inuu wax badan ka bedeli doono nidaamkii hore ee lagu soo shaqayn jirey oo uu ka dhigi doono mid la jaanqaada kuwo caalamka.

Labadan wasiir waxay kaga duwanayeen wasiiradii kale, waxa ka muuqatay diyaar garow iyo qorshe u qoran oo run ahaantii soo jiiday xildhibaanada iyo marti sharaftii kale ee hoolka joogtay.

Waxaase aynu dhawri doonaa bilaha soo socda in khudbadaasi ficil u bedelaan oo ay kaga dhabeeyaan hadalkaasi macaan iyo inay ku fashilmaan iyo wakhtigeedda oo iyana wax laga qori doonno.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.