Doqon Kula Walaaloo,Degel Kula Wadaagoon, Noloshaada Doonayn, Dabna Uu Ku Shidan Yahay, Maxaa Lugula Daalaa.


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 13, 2018 07:41:30
Dawladii La Doortee, Dimuqraadi Lagu Xulay, Dadkeena Samaystaye, Waa Inloo Dabaaldego

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.S.C.W.R.W.B.

Salaan khaas ahna bahda hadhwanaag iyo akhristayaashooda.

 

DAWLADII LA DOORTEE,DIMUQRAADI LAGU XULAY,

DADKEENA SAMAYSTAYE,WAA INLOO DABAALDEGO,

DAWNA WAY INAGU TAHAY,INA DURBAANKA LOO TUMO,

DISTOORKAYNA FARAYOO,QORAYA KALA DANBAYNTEE,

DAARTA SARE KA FUULIYO,DUULKUU SOO KAXAYSTABA,

DAACAD ULA SHAQEEYOO,DOORKOODA MAAMUUS,

DADWEYNUHU HA SIIYAAN,HANA UGU DUCEEYAAN,

DIINTA INAY GARGAARAAN,DANYARTAW ADEEGAAN,

AFRIKAANKABA WAXII DILAY,LAALUUSHKA DIIDAAN,

DANTA GUUD ILAASHAAN,OONAY DIIRAN MAATIDA,

DOOLARKA SAMADA TEGEY,INU SHILINKU DOORSHA,

CADAALADAA NA DEEQDEE,DADKU HAW SINAADEEN,

DOQON KULA WALAALOO,DEGEL KULA WADAAGOON,

NOLOSHAADA DOONAYN,DABNA UU KU HURAYOOD,

DIGASHADA LA NECEBTAHAY,HA KU DEYIN DAGAALIYO,

DIRIRTIYO COLAADOO,WELIGIIN DALAADALA,

DULQAADKEED LAHAWO,HADAL DEBECSAN KULA SOCO,

DUNIDANA OGEYSII,IN LAGAA GARDARAN YAHAY,

DAAYINKAA WAX BIXIYOO,NABSIGUNA MA DAALEE,

DADKU WAXUU GUDOONSADAY,DADAAL GAADHIDOONEEN.

          ISMAIL ABDILLAHI HANDLEH.

 

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo




talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.